Politics and LeadershipFeaturedLatestNewsPolitics

Xildhibaanad Hodan Hassan oo ku dhawaaqday in aysan doorasho u tartamaynin mar Sadexaad. 

Xildhibaanad Hodan Hassan oo ka tirsan aqalka hoose ee Gobolka Minnesota oo matalaysay deegaan doorashada 62B ayaa sheegtay in aysan u tartamaynin kursiga  mar sadexaad. “Waxay ii ahayd waayo aragnimo aan ku guulaysatay inaan waxbadan ka qabto sinaanta dhaqaalaha, guryaynta, iyo waxbarashada,” ayay ku tidhi Xil. Hodan qoraal ay soo dhigtay barteeda X ee loo yaqiinay Twitter. 

Waxaan aad ugu mahad celinayaa qof walbo oo i taageeray, taas oo ii suura galisay inaan wax badan u qabto qoysaska reer Minnesota. 

Xildhibaanada ayaa intaasi raacisay in sanadkaan uu aad muhiim ugu yahayu in la meel mariyo sharciyo wax badan ka qabanaya cadaalad darada dhaqaalaalaha, iyo helitaanka  guryo la awoodui karo in la iibsado. 

Xildhibaanad Hodan ayaa markii ugu horaysay la soo doortay 2019 iyada oo matalaysa xaafada Soomaalida ay ku badan tahay ee koonfurta Minneapolis 62A.  Isbedel lagu sameeyay jaangoynta deegaan doorashada, hada waxay matalaysaa xaafada 62B. 

Cida u tartami doonta kursigaas doorashada nagu soo aadan wali ma cada. Wixii warbixin ah ee ka soo korodha waan idiinla wadaagi doonaa. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts