LIFE
Work & LifeFeaturedLatestNews

 Canshuur-Celinta cusub ee caruurta gobolka Minnesota waxaa u qalma in ka badan 300,000 oo qof. Yaa ka mid ah?  

Canshuur celintaan cusub ayaa qayb ka ahayd biilka canshuurta gobolka ee sannadkii hore la ansixiyay waxayna caawin doontaa ku dhawaad 300,000 qoys oo dakhligoodu hooseeyo inay helaan  kumanaan doolar marka ay canshuurta xaraynayaan sanadkaan. 

Sida ku cad biilka Walz  uu axiixay, qaar ka mid ah dadka reer Minnesota waxay heli donaan canshuur celin gaaraysa  $1,750 ilmo kasta marka ay canshuurta   2023 xaraynayaan. Sharci-yaqaannada ayaa rajeynaya inay hoos u dhigi doonto saboolnimada carruurta saddex-meelood meel.

“Haddii ay saboolnimada caruurta hoos u dhigayso boqolkiiba 33 sida ay sheetay Jaamaca Columbia, qof walba oo u qalma waa in uu xareeyaa canshuurta,”  ayuu yiri Guddoomiyaha Canshuuraha ee Minnesota Paul Marquardt.

Si aad u hesho lacagtaas , waxaa ku xadidaya dakhliga ku soo gala. Hadii qofku kaligiis yahay, dakhligiisuna ka badan yahay   $29,500 ama xaas yahay dakhligooduna ka badan yahay $35,000 uma qalmaan lacagtaan.

Gud. Walz ayaa  sheegay in $400 milyan oo cashuur celinta ah ay dib ugu noqonayso dhaqaalaha gobolka iyadoo qoysas badan ka caawinayso dhaqaalaha. 

“Lacagtani waxaa  helaya qoysaska doonaya inay kabo ka iibsadaan dukaanka xaafadooda,” Walz ayaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Prepare + Prosper, oo ah diyaariye cashuureed oo aan faa’iido doon ahayn. “Waxay taayarada ka iibsanaysaa dukaanka taayarrada xaafadda. Waxay ku iibsanaysaa kuleyliyaha biyaha dukaanka Lowe’s ama meel kasta oo aad tagto.”

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta cashuurahaaga, xafiiska guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in ay jiraan in ka badan 170 goobood oo dadka ka caawiya xaraynta canshuurta. 

Dadaalo canshuur dhimis ayaa ka socda xaga dowlada Federaalka. Aqalka sare ayaa tix galinaya in uu meel mariyo sharci cusub oo bixinaya canshuur dhimis. 

Khubaro badan ayaa ku dhiirigelinaya qoysaska inay sugaan xaraynta cashuurta ilaa isbeddelladaas la dhammeeyo si aanay u badalin canshuurtii ay xareeyeen. 

Canshuur celnta Federaalku waxay noqon doontaa hadii la ansixiyo, $1,800 2023, $1,900 sanadka soo socda iyo ugu danbayn $2,000 ilmihiiba cashuuraha 2025.

Ma cadda in sharcigaasi uu ka gudbi  doono aqalka sare. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts