BusinessFeaturedLatest

Darawalada Uber iyo Lyft oo ku baaqay shaqo joojin. Maxaa xigi kara?

By Abdirizak Diis

Dareewalada Uber, Lyft  ee Minnesota ayaa  qorsheynaya shaqo joojin ay ka samaynayaan garoonka diyaaradaha ee St. Paul iyo Minneapolis iyaga oo u dagaallamaya in khidmad kordhin. 

Koox ka mid ah darawallada Uber iyo Lyft ayaa ku dhawaaqay qorshayaal shaqo joojin ah oo ka socda Minneapolis-St. Paul International Airport.

Iyagoo aad uga xun dadaallada gobolka iyo kuwa maxalliga ah ee lagu wanaajinayo xaaladaha shaqada, koox ka mid ah darawallada rideshare ayaa qorsheynaya shaqo-joojin hal maalin ah oo ay ka sameynayaan   Garoonka Caalamiga ah ee Minneapolis iyo St. Paul toddobaadka soo socda. Waa talaabo   ay qorsheynayaan inay joogteeyaan bil kasta ilaa codsigooda la tix galiyo.  

Talaabadaan ayaa daba socota mudaaharaad ay sameyeen  Habeenkii Sannadka Cusub oo ku dhawaad 200 oo qof ka soo qayb galeen.  

Waxaa kale oo ay imanaysaa iyadoo talo bixin ay ka imanayso wareeg cusub oo tallo bixin ah oo ka imanaya guddi hawleed dawladeed oo sharci dejintu ku shaqayn karto inta lagu jiro kalfadhiga 2024.

Yuusuf Xaaji, oo ah af hayeenka MULDA (Minnesota Uber/Lyft Drivers Association) Members, ayaa sheegay in kooxdu ay qorsheynayso in ay cayimaan “maalin mudaaharaad” bishiiba mar kaas oo ay ku jiraan dibad-bax yar oo ka dhacaya garoonka diyaaradaha iyo darawaliinta oo daminaya  appka diidayana in ay qaadaan rakaab. Mudaaharaadka ugu horreeya waxaa la qorsheeyay Janaayo 11 waxayna socon doontaa si joogto ah bil kasta ilaa laga fulinayo dalabaadka.

“Aad ayaan u fiicneyn  una ixtiraam badanahay,” Ayuu yiri Yussuf. “Markaa hadda waa waqtigii ficilka.”

Darawaliintu ma qaadi doonaan rakaab  laga bilaabo 1 duhurnimo ilaa 7pm maalinta dibad baxa. Yuusuf wuxuu sheegay in Guddiga Garoomada Maamulka garoonka ayaa ogol in 100 qof oo kaliya yimaadaan mudaaharaadka. 

Xubnaha MULDA ayaa sheegay inay doonayaan inay cadaadis saaraan Guddoomiye Tim Walz. Yuusuf wuxuu sheegay inaysan xiriir la lahayn sharci-dejiyeyaasha sida kooxaha kale ee darawallada.

Xubnaha MULDA waagii hore waxay  hakiyeen shirar ay qabanayeen Guddiga uu magacaabay Guddoomiyaha Gobolka ee xal ka gaarita ismarindhaafkaan.  

Inkastoo aysan jirin wax matalaad ah oo ay ku leeyihiin guddiga Walz, kooxdu waxay soo gudbisay dalabaadkeeda si loo tixgeliyo, laakiin Yuusuf wuxuu sheegay in guddiga loo xilsaaray aysan qaban wax ku filan.

Dhankooda, kooxda asalka ah ee MULDA waxaa ay ahaayeen kuwa firfircoon oo yididiilo leh ka dib markii guddiga loo xilsaaray ee guddoomiyaha ay soo gudbiyeen talooyinkooda, sida uu sheegay Guddoomiyaha MULDA Eid Cali.

“Waxaan aaminsanahay in darawaladu ay heli doonaan wax ay ku farxi doonaan  mustaqbalka dhow,” Ayuu yiri Ciid.

MULDA waxay horseedday dadaallo sannadkii hore lagu doonayay in sharciga loo mariyo Aqalka Gobolka iyo Guurtida ka hor inta uusan diidmada qayaxan Walz.

MULDA waxa kale oo ay gacan ku lahayd soo jeedinta sharciga darawalnimada ee rideshare ee ay ansixiyeen golaha deegaanka Minneapolis bishii Agoosto kaas oo maalmo ka dib uu diiday duqa magaalada Jacob Frey.

Ciid iyo xubnaha kale ee MULDA waxay ka mid ahaayeen  gudiga gaarka ah oo gaaray  is-afgarad ku saabsan daah-furnaanta mushaharka, ilaalinta darawallada soo wajaha “joojinta” xisaabaadkooda, iyo khidmada ugu yar ee $5 halkii raacitaan. 

Uber drivers and union members hold a press conference on Tuesday December 5 2023 before Governor Walzs rideshare task force meets to discuss recommendations for state legislation Credit Dymanh Chhoun | Sahan Journal

Senetarka DFL Omar Fateh, oo ah qoraaga sharciga 2023 ee diidmada qayaxan u isticmaalay Walz, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in guddiga gaarka ah ay  “ku guul-darreysteen” shaqadooda.

Cumar ayaa ku baaqay in sharciga dib loo soo celiyo oo la meel mariyo inta lagu guda jiro kalfadhiga sharci dejinta ee 2024.

Dhanka kale, darawallada rideshare ee Minneapolis ayaa sugaya inay arkaan masiirka laba xeer oo cusub oo ay soo jeediyeen golaha deegaanka ee magaalada kaasoo hagaajin doona khidmada darawalka iyo xuquuqda.

Midka ugu horreeya ee xeerarkaas ayaa soo bixi kara   Janaayo 19 ka dib markii xubnaha golaha ay amreen falanqaynta saddex nooc oo magdhow ah.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts