BusinessFeaturedLatestNews

Lyft oo ku dhawaaqday in ay darawalada Twin Cities siin doonto khidmad kordhin.

Iyada oo tiro badan oo ka mid ah darawallada Twin Cities ay isu diyaarinayaan isu soo bax iyo shaqo joojin usbuucaan, Lyft ayaa sheegtay ujrada ugu yar ee la siinayo darawalada magaalooyinka mataanaha ah ka shaqeeya. 

 Lyft ayaa ku sheegtay warsaxaafadeed  in darawallada la siin doono ugu yaraan $5 raacitaanka ka bilowda ama ku dhammaanaya Magaalooyinka Twin Cities.   

Lyft ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay  iskaashi la samayn doonto Minnesota Uber/Lyft Drivers Association (MULDA) si ay adeegyo taageero u siiso  darawalada gobolka, oo ay ku jiraan bulshada Bariga Afrika.

Adeegyada waxaa ka mid ah tarjumaadda luqadda, isticmaalka app-ka, ku soo biirida shaqada Lyft, iyo caawin kasta oo ay u baahdaan oo ay ku jirto dib ugu noqoshada shaqada. 

“MULDA waa codka bulshada, wadashaqayntani waxay fursad ayay noo tahay iyo inaan ka shaqayno arrimaha kala duwan ee soo wajaha bulshada darwalada. Lyft aad ayay ugu faraxsan tahay in ay horay ula socoto MULDA, “ayuu yiri Brent Kent, agaasimaha siyaasadda guud ee Lyft.

 Lyft waa shirkada labaad ee ay isticmaalaan reer Minnesota darawalada iyo rakaabkaba marka laga yimaado Uber. 

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa bishii Agoosto sheegay in uu Uber ka helay ballan qaad ah in la siiyo darawallada “ugu yaraan mushaharka ugu yar ee Minneapolis”. 

Frey waxaa kale oo uu sheegay wakhtigaas in Uber balan qaaday in darawalada aan la siin doonin wax ka $5 Minneapolis gudaheeda.  

Uber ayaa  xaqiijisay in darawalada Minneapolis ay heli doonaan ugu yaraan $15.19 saacaddii inta ay u sii socdaan ayna wadaan macmiilka.  

Uber oo ka  jawaabayo go’aanka Lyft ay iclaamisay Talaadadii, Uber waxay sheegtay inay siinaysay  $ 5  ugu yaraan ugu yaaanr darawallada Twin Cities tan iyo xagaagii hore. Uber waxay sidoo kale u sheegtay Sahan Journal inay ogolaatay “in MULDA ay ugu macquulsantahay in ay la shaqayso iyo bixinta adeega darawalka.” 

Gudiga gaarka ah Guddoomiyaha Tim Walz, oo ka kooban wakiillada darawalada iyo shirkadaha, ayaa shaqaynayey in ka badan shan bilood si ay u soo gudbiyaan talooyinka isbeddelka siyaasadda ka dib markii Walz uu diidey biil bishii Maajo kaas oo siin lahaa darawallada mushahar kordhin.

Xafiiska guddoomiyaha ayaa sheegay in talooyinka guddiga hawsha ay fulinayaan Waaxda Shaqada iyo Warshadaha ee Minnesota.

Komishaneer Nicole Blissenbach ayaa u sheegay Sahan Journal tallaabada xigta ay tahay in loo gudbiyo sharci dejinta.  

Ku dhawaaqista Lyft iyo iskaashiga ay la leedahay MULDA ayaa timid maalmo kadib markii koox gaar ah oo darawaliin ah ay ku dhawaaqeen qorshayaal ay ku qabanayaan maalin shaqo joojin oo bille ah.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts