BusinessFeaturedLatestNews

Darawalda Uber/Lyft ee isticmaala baabuurta Herz oo loo sheegay in ay soo celiyaan gawaarida.

Shirkada baarbuurta kiraysa ee Hertz ayaa joojinaysa heshiiska ay Uber/Lyft oo u ogolaanaya darawalada Uber iyo Lyft ee  magaalooyinka Mataanaha ah in  ay wataan baabuurtooda hadii gaarigooda shil galo. 

afhayeenka Uber Josh Gold  ayaa ku sheegay email uu diray  Isniintii.”Maadaama aan joojinayno hawlgallada  Magaalooyinka Mataanaha ah, Hertz waxay joojinaysaa barnaamijkooda waxayna la xiriirtay darawallada si ay uga codsato inay bilaabaan soo celinta baabuurta,”. 

Uber waxay sheegtay inay ka baxayso magaalooyinka mataanaha ah,  Lyft dhankeeda waxay  sheegtay inay ka baxayso Minneapolis 1-da May marka uu dhaqan galo sharciga cusub ee Minneapolis ee darawalada siinaya mushaarka ugu yar.  Shirkadaha rideshare ayaa sheegaya in mushaharka uu yahay mid aad u sarreeya oo aysan ku shaqeyn karin.

 Hert ayaa  emailo u dirtay darawalada magaalooyiinka mataanaha ah  una sheegtay inay u baahan yihiin inay baabuurta ku celiyaan  xarumaha baabuurta Herz laga kiraysto ee St. Paul iyo Brooklyn Center.

Shirkada Lyft ayaa  sheegay in darawaladu baabuurta soo celinayaan ugu danbayn Abriil 24keeda.  

Darawalada Uber iyo Lyft ayaa isku dayaya in dhankooda ay samaystaan Rideshare app oo darawalda leeyihiin. Waxay doonayaan in ay buuxiyaan shaqadii Uber ay u qabanaysay. Waxaa kale oo iyana jira shirkado kale oo yar yar oo doonaya in ay ka faa’idaystaan fursadaan cusub. 

Mustafe oo ah ganacsade Soomaaliyeed ayaa la yimid shirkada Hichs oo ka howl gasha Kanada. Wuxuu sheegay in uu samaynayo ganacsi ku dhisan damiir.  Darawaladu waxay bixinayaan $200 bishii ama $10 maalintii, waxa ay shaqaystaana iyaga ayaa  lahaan doona si buuxda,  sida uu noo sheegay Mustafa oo ah agaasimaha shirkada Hichs. 

Dagaalka u dhaxeeyo shirkadaha Uber/Lyft iyo darawalda ayaa ah mid sii socon doona ugu yaraan dhawrka bilood ee nagu soo aadan. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts