FeaturedLatestNewsPolitics and Leadership

Doorashada Minnesota: Ololaha looga soo horjeedo madaxwayne Biden oo wacdaro ka dhigay doorashada is reeb-reebka axsaabta

Madaxweyne Joe Biden iyo Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa si fudud ugu guuleystey doorashooyinkooda horudhaca ah ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ee Minnesota Talaadadii, taas oo ka dhigan in labadooda ay ku tartami doonaan doorashada qaranka ee November.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa ku dhawaaqaday in Biden iyo Trump ay ku guulaysteen Minnesota wax yar uun ka dib markii la xiray goobaha codbixinta Minnesota ee Super Tuesday. Waxaa ay sidoo kale ku guulayteen 16 gobol oo kale oo doorashada isreeb-reebka axsaabta lagu qabtay.  

Muslimiinta reer Minnesota iyo qaar ka mid ah xisbiga dimuquraadiga ayaan u codayn madaxwayne biden, taa badalkeeda waxay u codeeyeen “uncommitted” oo ka dhigan kuuma codayn doono. Talaabadan ayay doonayaan in ay cadaadis ku saaraan Madaxwayne Bidensi uu xabad joojin ugu dhawaaqo Gaza.  Dagaalka Israa’iil ay ka wado Gaza ayaa waxaa ku dhimatay inta hada la xaqiijiyay in ka badan 30 kun oo qof oo kala bar yihiin caruur iyo haween. 

Madaxwayne Biden ayaa helay 70% codadka (170,880) halka “uncommitted” ay heleen 18.79% (45,870) sida  ku kad shabkada xoghaynta Minnesota. Xildhibaanka laga soo doorto degmada 3xaad ee Minnesota Dean Philips ayaa helay 7.7% (18,967).  Dean philips ayaa doorashada soo galay isaga oo walaac ka muujiyay da’da Biden oo hada 81 jir ah. 

A slow trickle of voters cast their ballots in the presidential primary at Brian Coyle Community Center near Cedar Riverside on March 5 2024 Credit Aaron Nesheim | Sahan Journal<br><br>

Muna Faarax, oo 26-jir ah, isla markaana wax ka barata Jaamacadda Minnesota, oo ku sugan magaalada Minneapolis, ayaa sheegtay inay u codaysay “uncommitted”  Gaza darteed. “Waxaan u baahanahay qof aan ahayn Joe, waan u codeeyay doorashadii hore, uma codeynayo isaga mar kale, sida ay hada wax yihiin, Trump ayaa ka fiican Joe hadda” ayay tidhi muna. 

“Biden waa inuu lahaadaa geesinimo uu ugu istaago Falastiin,” ayuu yiri Steven Hatcher, oo 55 jir ah, oo ku sugnaa Xarunta  Brian Coyle ee Minneapolis, una codeeyay “uncommitted”.

Wuxuu doonayaa in u codeeyo Biden November hadii uu si sax ah u dhaqamo kuna baaqo xabad joojin.  

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts