FeaturedLatestNewsPolitics and Leadership

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ma aysan codayn Talaadadii, waxayna sheegtay in codbixiyayaasha “Uncommitted” ay aad carsan yihiin. 

Xildhibaan Ilhaan Cumar ma aysan codeyn isreeb-reebka doorashada madaxtinimo ee Minnesota todobaadkan. Laakiin waxay u sheegtay Politico in ay fahantay halka ay ka imanayaan tirada codbixiyeyaashu u codeeyay “uncommitted” Talaadadii.  

Ku dhawaad 46,000 oo reer Minnesota ah ayaa u codeeyay Uncommitted, talaabo ay kaga soo horjeedaan madaxwayne Biden si ay ugu qasbaan in Gaza xabad joojin laga sameeyo, dagaalkaas  oo ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah. 

U oleleeyayaasha “uncommitted ayuu yoolkoodu ahaa in ay  helaan 5000 oo cod, haseyeeshee tirada intaasi aad ayay oga badatay. 

“Dadku waa ay xanaaqsan yihiin, wayna  niyad-jabsan yihiin oo murugeysan yihiin, waxay rabaan madaxweynaha inuu beddelo siyaasaddiisa,”  ayay tidhi Xil. Ilhaan Cumar iyada oo la hadlaysa jariirada Politico. “Waa ay mudaaharaadeen, waraaqo ayay qoreen, telefoono ayay direen, hadana dareenkooda waxay ku muujinayaan sanduuqa codbixinta.” 

Ololaha looga soo horjeedo siyaasada Biden ee Falastiin ayaa ka soo bilaabatay gobolka Michigan,  halkaas oo in ka badan 100,000 oo muwaadiniin ah ay dhiibteen codkooda ay kaga soo horjeedaan Biden, taas oo ka dhigan qiyaastii 13% dadka codeeyay isreeb-reebka Dimuqraadiga. 

Halkan Minnesota, saamiga codbixiyaasha ka soo horjeeda Biden ayaa gaaray 19% dadka u soo baxay doorashada hordhaca ah ee madaxweynaha DFL.

Tani waxay fariin cad u diraysaa hogaanka xisbiga Dimuquraadiga ee doorashada soo socota ee madaxtinimada dalka. Hadii Muslimiinta Minnesota iyo dadka ka soo horjeeda siyaasada Biden ee Gaza aynan codayn ama ka codeeyaan Biden, waxay halis ugu jiraan in ay lumiyaan Minnesota. Hillary Clintion ayaa Trump kaga adkaatay Minnesota 2016, qiyaastii codad gaaraya 5,000. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts