NewsFeaturedJustice

Nin Soomaali ah oo wada taraak oo geeriyooday.

Darawal Soomaali ah oo wada baaruurta xamuulka ama taraakyada  oo ka yimid British Columbia, Canada ayaa la sheegay in la waayay wax yar ka dib markii uu yimid Winnipeg si uu u dajiyo rar.  Jimcihii, ayaa la helay meydkiisa, sida uu sheegay qof saaxiib la ah qoyska.  

Faarax Cali Maxamuud, oo 34 jir ah, ayaa ka soo kicitimay Winnepeg si uu rar ukeeno Vancouver subaxnimadii Jimcaha, waxaana lagu waday in subaxnimadii Sabtida uu qaado rar kale. Gaarigiisa ayaa laga helay goobta baabuurta la dhigto ee ka dambeysa Sherbrook Inn.

“Boolisku waxay ku wargeliyeen [qoyska] inay maydkiisa ka soo heleen meel aan ka fogayn… meeshii laga helay gaariga,”  sida uu Siciid Axmed u sheegay CBC News subaxnimadii Arbacada.

“Sheekadu waxay ku dhammaatay murugo. Dhammaanteen waxaan rajeyneynay inaan helno isaga oo nool.”

Waxaa uu sheegay in qoyska ay heleen warka naxdinta leh qiyaastii 11kii habeenimo ee talaadada. Meydka Faarax  ayaa laga helay guri, wax intaa dheerna ma ogin,  ayuu yiri Axmed.

“Waxay ahayd war aad u naxdin badan murugana ku reebtay qoyska,” ayuu yidhi. “Waxay rajeynayaan inay helaan jawaabo badan maanta. Taasi waa waxa kaliya ee ay og yihiin xilligan.”

Maxamuud, oo ah aabbe dhalay saddex carruur ah, ayaa ka soo hijrooday Soomaaliya sannadkii 2011-kii, sida uu sheegay Aabaha Cali, mar uu Talaadadii la hadlay CBC News.

Cali waxa uu yimi Winnipeg isagoo ka  soo safray Edmonton waxana uu ka raadinayay wiilkiisa xaafada West Broadway markii uu la hadlayay CBC. In aan xiriir la samayno Arbacadii way noo suuro gali waysay.  

“Waxay ila tahay inay u baahan yihiin in la siiyo fursad ay arintaan oga baaraan dagaan. Waa waqti aad iyo aad u murugo badan,” Axmed ayaa yidhi “waxay u baahan yihiin waqti ay ku baroor-diiqaan.”

Missing

Waxaa uu filayaa in qoysku ay sii joogi doonaan Winnipeg ilaa ay ka qaadaan meydka Maxamuud oo ay geyn doonaan Edmonton si loogu aaso. Inta badan qoyska Maxamuud waxay ku sugan yihiin Edmonton, laakiin wuxuu ku noolaa B.C.

Maxamuud ma lahayn caafimaad daro dhanka dhimirka ah, wuxuuna ahaa nin aad u daneeya qoyskiisa, farxaan ah shaqana badan, ayuu yiri Axmed.

“Taasina waa sababta ay qoyska ugu adkaatay in ay liqaan wixii dhacay.”  ayuu yidhi.

Ururka Somali Canadian Education and Rural Development oo fadhigiisu yahay Edmonton ayaa sidoo kale bartiisa Facebook-ga soo dhigay habeenimadii Talaadada in Maxamuud uu geeriyooday.

“Waan ka xunahay in aan iclaamino in Faarax Cali Maxamuud uu geeriyooday fadlan u tacsiyee qoyska, isgana u ducee” ayaa lagu yiri qoraalka.

Faarax iyo qoyskiisa

Maxamuud wuxuu u shaqeeynayay Reef Trucking Enterprises, oo xarunteedu tahay Surrey, B.C. Shirkadu ma ayanan xaqiijin geerida markii CBC News la xiriirtayArbacadii.

“Mudane Faarax wuxuu dajiyay xamuulkii uu waday wuxuuna ku nasanayey boosteejada baabuurta, waxii intaa ka danbeeya waxba kalama socono sida ku xusan siyaasada shirkada,” afhayeen u hadlay ayaa ku yiri email. “Booliska ayaa mas’uul ka ah, wixii su’aal dheeraad ahna waa in iyaga lagu hagaajiyaa.”

Bilayska Winnipeg ayaan wax war ah ka soo saarin dhimasahda Faarax, marka laga reebo in lay iclaamiyeen in qof la la’yahay oo qoyska gaarsiiyeen Sabtidii iyo in baaritaan la bilaabay.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts