TravelCommunity and CultureFeaturedNews

Warbixinta 3aag ee Group 5: Yaa u qalma in ay keenaan qaxooti, maxayse tahay mas’uuliyada laga doonayo?

Sidii aad ka dheehateen qoraaladeeni hore, dadka doonaya in ay kafaalo qaadaan qof ama qoys qaxooti ah waa in ay buuxiyan shuruudaha laga doonayo. Shuruudaha asaasiga ah waxaan oga soo hadalnay qormadeeni 2aad ee dib ugu laabo. 

Halkan waxaan ku faahfaahinaynaa cida kafaalo-qaadka samayn karta iyo cida loo samayn karo.  Dhammaan kafaala-qaadayaashu waa inay buuxiyaan  shuruudaha u-qalmitaanka ugu yar si ay u sameeyaan koox ama group kafaalo qaado dad gaar ah. Si aad ugu qalanto, kaaxdu waa inay ka koobnaadaan ugu yaraan shan qof  kuwaas oo ah muwaadiniin Maraykan ah ama deganaasho rasmi ah haysta.    Waa in ay da’doodu ka wayn tahay  18 okuna nool yihiin isku xaafad ama aynan aad u kala fogeen.   

Kooxda waxaa ay noqon kaaraan  isku qoys, saaxiibo, deris, shaqo-wadaag, isku caqiido ama diin, ama hal naadi ayay ka wada tirsanaan karaan. Waxaa ugu muhiimsan in ay qaangaar yihiin shuruudahana ka soo dhalalaan. Shantaa qof wadar ahaantood waa in ay cadeeyaan in ay awood u leeyihiin  buuxinta shuruudaha  ugu yar ee kafaalo-qaadka.

Kooxaha kafaala-qaadayaasha gaarka ah waxaa loo doori karaa qofka ama qoyska qaxootiga ah ee ay keenayaan Maraykanka, ama waxay kafaalo qaadi karaan qof ama qoys ay hore u yaqiineen.  Kahor intaadan bilaabin codsigaga, hubi in qofka ama qoyska aad kafaalo qaadayso ay u qalmaan in ay galaan barnaamijka adiga oo adeegsanata shuruudaha u qalmitaanka.  Qodobadaan oo Af-Somali ah waxan idiin soo gudbin doonaa qoraaladeena soo socda. 

Waa maxay mas’uuliyada saaran  kooxda kafaala-qaadayaasha gaarka ah?

Dadka kafaalo-qaadaya qaxootiga waxaa laga doonayaa waa inay bixiyaan adeegyada kafaala-qaadka 90 maalmood, taas oo noqon karta mid adag. Tusaale ahaan, waa in ay ka caawiyaan qaxootiga helitaanka adeegyada bulshada sida cayrta,  iyo baaritaanda caafimaadka. Waxaa laga yaabaa in adeegyada qaar ay meelo fog-fog u aadaan. Waa in ay maanka ku hayaan in guryuhu ay noqon karaan kuwo qaali ah oo ay adag tahay in la helo. Waxay qaadan kartaa wakhti dheer in qaxoontigu shaqo ka helaan meesha la dajiyo. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in ay caawiyaan qaxootiga inta uu ka gaarayo isku-filnaasho. 

Hay’ada Welcome Corps waxay taakulo joogto ah siinaysaa kafaala-qaadayaasha. Waxay ka caawinayaan sida miisaaniyada loo qorsheeyo, lacag uruurina loo sameeyo, waxyaabaha laga doonayo in ay dhamaystiraan marka qaxootiga imanayo, iyo mudada ay soconayso kafaalo-qaadka.   

Dadka kafaalo-qaadka samaynaya ma noqon karaan kuwo la isir, diin, ama ku luqad ah dadka ay keenayaan?  

Jawaabtu waa haa.  Kooxaha kafaala-qaadayaasha gaarka ah ee codsanaya in codsigooda lagu beego ama ay doortaan dad ay isku af, isir, ama diin yihiin. 

Waxaa muhiim ah in kafaalo-qaadayaasha ay cadeeyaan waxyaabaha ay doonayaan si howsha loogu fudaydiyo. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts