JusticeFeaturedLatestNews

Nin Soomaali ah oo xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyay in uu toogtay wiil dhalinyaro ah. 

Wiil 16 jir ah ayaa shalay oo Axad ah lagu toogtay xaafada Ceder Riverside ee magaalada Minneapolis. Wiilka oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ayaa isbitaalka la dhigay sida ay booliisku sheegeen.

Booliska Minneapolis iyo Jaamacadda Minnesota ayaa wax yar ka hor 1:00 subaxnimo yimi isgoyska S. 19th iyo Riverside avenues waxayna goobta ugu tageen wiilka 16 jirka ah oo si xun u dhaawacmay iyo nin 35 jir ah oo looga shakisan yahay in uu toogtay, sida lagu sheegay warbixin horudhac ah oo ka soo baxday booliska Minneapolis. Ninka 35 jirka ah ee la tuhun sanyahay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Cabdirashiid Jaamac. 

Booliska ayaa rumeysan in dagaal bilowday kadib markii uu wiilka dhalinyarada ahi jabiyay dariishada gaariga ninka laga shakisan yahay, dagaalkaas oo isu badalay rasaas.  Wiilka ayaa waxa loo qaaday Hennepin Healthcare.

Tuhmanaha waxaa lagu xiray xabsiga degmada Hennepin isagoo lagu eedeeyay inuu geystay weerar heerka labaad ah.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts