NewsCommunity and CultureFeaturedLatest

Soomaalida Minnesota oo Wacad ku Maray in ay Raysalwasaaraha Itoobiya la tiigsan doonaan maxkamada aduunka.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa munaasabad balaaran oo lagu taageerayo mowqifka dowlada federaalka Soomaaliya ka qaadatay heshiiska is afgaradka ah ee dhex maray Maamulka Somaliland iyo Dowlada Ethiopia ku qabtay jimcihii Magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota.  Munasabadaan ayaa hal ku dhag looga dhigay “difaaca Dalka Hooyo, bad iyo berri toona taako dhulkayaga ahi iib ma ahan.” 

Munaasabada waxaa ka soo qayb galay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan culamaa’udiinka, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. 

Dhamaan dadkii ka hadlay munaasabada waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay naf iyo maalba ku difaacayaan dalka, marnana aysan ogolaanayn in dhulka Soomaaliyeed taako ka mid ah la qaato. Waxaa ay ku baaqeen in Ethiopia ay go’aanka ka laabato. 

Sh Maxamed Mursal oo ah madaxa Isutaga Muslimiinta ee Waqooyiga America ayaa ku nuuxxuusaday in dowlada uu hogaaminayo Madaxwayne Xassan Sh. Maxamuud ay garab u yihiin mar walbo waxaana uu ku eedeeyay in Abiy Ahmed uusan ka talinayn danta geeska Africa. Sheekha wuxuu yiri “Yeelimayno in hal taako oo ka mid ah dhulkeena in la qaato”. Sheekha waxaa kale oo uu sheegay in ay garab taagan yihiin mowqifka dowlada Federaalka Soomaalia.  

MM

Sheikh Xassan Jaamici ayaa dhankiisa ka soo qaybgalayasha munaasaba waydiiyay in ay dhaqaale ku bixinayaan si dacwad loogu soo oogo Abiy Ahmed iyo dowlad Ethiopia. “ In aan dacwadaasi qarash garayno diyaar ma u nahay”  dadwaynihii ayaa ku jawaabay “haa” isaga oo hadalka sii wata ayuu yidhi “madaxwayne qarash haka cabsan, inaga ayaa bixinayna.”  

Culamadii hadashay ayaa dhamaantood ku nuuxnuuxsaday in ay marnaba aqbali karin in dhulka Soomaaliyeed taako ka mid ah la qaato.  

Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka dhawaajiyay in ay sharciga la tiigsanayaan Abiy Ahmed sababtoo ah wuxuu ku xadgudbay  madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo colaada uu ka hurinayo Geeska Africa. 

nn

Waxaa xusid mudan in Soomaalida Minnesota ay aad oga dhex muuqdaan Siyaasada dalka Maraykanka saaxiibo badana ku leeyihiin kongereeska. Dowlada Maraykanka ayaa mowqifkeeda cadaysay kuna baaqday in la ixtiraamo xuduudaha Soomaaliya marnabana aan lagu xadgudbi kari. 

Gudiga soo qabanqaabiyay munaasabada ayaa ka dhawaajiyay in ay tani tahay bilow, talaabooyiin isdaba xigana ay qaadi doonaan. Abuu kaate Cabdiwaaxid Qalinle ayaa Soomaali media u sheegay in ay shariga aduunka la tiigsan doonaan. “Hadii aanu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee Maraykanka, Abiy waxaanu gayni doonaa maxkamada aduunka, hadii uu talaabadaasi ka noqon waayo”.  

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts