NewsFeaturedLatest

Waa Goorma Maalinta Ciida?

Waxaa laga yaabaa in dad badani ay is waydiinayaan tolow barito ma ciid baa? Halkan hoose ka akhriso jawaabta.

Qatar iyo Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in aan la arkin bisha Shawaal, maalinta berri oo ah Talaado ay tahay in la dhameystirayo bisha Ramadaan, Arbacadana ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Wakaalladda Wararka Qatar ayaa sheegtay in Guddiga raadinta bisha ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Islaamka ay ku dhawaaqeen in berri oo Talaado ah taariikhduna ay ku beegan tahay 9-ka bisha Abriil ay tahay maalinta ugu danbaysa ee bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana bari danbe oo ah Arbaco ay tahay Ciidul Fidri.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed ay Guddidu ka soo saareen shirkoodii caawa fiidkii ka dhacay xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Islaamka.

Inta badan dalalka Islaamku waxa ay ictimaadaan aragtida bisha iyafga oo ku dhaqmaya xadiiska nabiga – naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye – “Aragti ku sooma, aragtina ku afrura, hadii lidiinka qariyo bisha dhamaystira 30ka maalmood.”

Xigasho: Aljazeera qaybta carabiga.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts