LatestNewsPolitics and Leadership

Midowga Yurub, Maraykanka, Ururka isu taga Muslimiinta, Jaamacada Carabta oo dhamaan garab istaagay Soomaaliya kana soo horjeestay heshiiska Ethoipia la gashay maamulka Somali Lanad. 

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa xoojiyay taageerada Midowga Yurub ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, mar uu Khamiistii khadka telefoonka kula xiriiray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Xaqiijinta diblumaasiyadeed ee muhiimka ah ee Midowga Yurub ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka taagan Geeska Afrika, taasoo ka dhalatay heshiis muran badan oo dhinaca badda ah oo dhexmaray Itoobiya iyo maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland.

Horaantii todobaadkan, Midowga Yurub ayaa soo saaray bayaan uu ku muujinayo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, gaar ahaan ka dib heshiiskii muranka dhaliyay ee Somaliland iyo Itoobiya. Heshiiskan oo ay Itoobiya ku doonayso inay qayb ka hesho badda cas, iyadoo la wareegaysa dekedda Berbera ee Somaliland, ayaa gobolka iyo calaamka ku abuurtay walaac badan.  

Eu

Wazaarada arrimaha dibeda ee dalka maraykanka ayaa iyana dhankeeda soo saartay qoraal ay ku cadaynayso in la ixtiraamo madax-banaanida dhuleed ee Soomaalia. Waxaa ay ku baaqday in xiisada la dejiyo amniga gobolkana si wda jir ah looga sahqeeyo. 

“Maraykanku waxaa uu aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda 1960-kii,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka Matthew Miller oo saxaafadda la hadlay.

“Waxaan ku biirnay saaxiibada kale si aan u muujinno walaacayada halista ah,” ayuu yiri, “oo ku saabsan xiisadda ka dhalatay Geeska Afrika.”

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed,” ayuu yiri.

Dhanka kale, waxaa dowlada Federaalka Soomaaliya dagaal diblumaasiyayeed u gashay sidii ay damaca Ethiopia u wiiqi lahayd. Jaamacada carabta, ururka dunida Muslimka, Qatar, iyo midowga Africa ayaa iyagana dhankooda garab istaagay Soomaaliya. 

Qoraalka ay ku kala saxeexdeen  Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo jeedinaya in 20km oo ka mid ah xeebaha Somaliland laga kireeyo Itoobiya. Taa beddelkeeda, Somaliland waxay saami ku yeelan doontaa shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya, Ethiopian Airlines, iyo aqoonsi rasmi ah oo madax bannaanida Somaliland.

IMG 8199 2

Diidmada adag ee Soomaaliya ay ku diiday heshiiskaas oo ay ku sheegtay inuu yahay mid xad-gudub ku ah madax-banaanideeda, ayaa lagu yiri hadalkii Madaxweyne Maxamuud ee ahaa “Ma jirto taako ka mid ah Soomaaliya cidna ma saxiixi karto ama ma saxiixi doonto. Mawqifkan waxaa sii xoojinaya taageerada caalamiga ah, waxaana daliil u ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Maraykanka oo labaduba diiday fal kasta oo ku xad-gudbaya madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

 Si kastaba ha ahaatee, waxaa su’aal badan laga keenay awooda ay dowlada Ethiopia u leedahahy in ay hirgaliso heshiiskaan xili ay wajahayso dagaalo sokeeye iyo siyaasado is diidan. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa geopolitical analysis.

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts