JusticeFeaturedLatestNews

Shaqaale ka tirsan Sheriffka Annoka County oo lagu eedeeyay isir nacayb

Anoka County Sherrif ayaa baaraya habdhaqanka qof ka mid ah shaqaalaha Delta Airlines ee Minneapolis St. Paul International Airport kadib markii lagu eedeeyay Islaam nacayb iyo takoor.  Baaritaankaan ayaa yimi kadib markii vido ay galiyeen baraha bulshada uu soo jiitay malaayiin qof. 

Xafiiska Shetrrifka ayaa ka hadlay arritaan Arbacadii kadib markii ay ku iclaamiyeen X ama Twitter. Waxay sheegeen in ay egayaan dhamaan macluumaadka laga hayo afar dhalinyaro ah oo lagala dagay diyaarada kadib markii qof shaqaalaha ka mid ah uu ku eedeeyay in uu ka shakisan yahay.  Booliiska garoonka diyaaradaha ayaa wax cadayn ah ku waayay dhalintaan oo dhamaantood ah Falastiiniyiin waxayna dareemeen in la takooray. 

A Delta Airlines plane pictured at Minneapolis St Paul International Airport on January 10 2024 Credit Dymanh Chhoun | Sahan Journal<br>

Tweetka xafiiska Sherifka ma sheegin magaca ama aqoonsiga qofka shaqaalaha ah ee dhalinta dacweeyay laakiin waxay sheegeen in ay isku sheegtay in ay ka mid tahay nabad sugida. 

“Marka ay booliiska kuu arkaan in aadan waxba ahayn, taasi waa xaqiraad” ayuu yiri Louay Adley oo ah 24 jir ganacsade ah wuxuuna ka mid ahaa afartii qof ee diyaarada lagala dagay. “Dhacdani waxay iga dhigtay in qof walbo oo garoonka jooga hadii ay yihiin shaqaale, booliis, in ay ii arkaan qof iyaga ka hooseeya.”

Adley, oo ku nool magaalooyinka Twin Cities, iyo saddex nin oo kale ayaa waxaa diyaaradda kala dagay shaqaale ka tirsan shaqaalaha diyaaradda wax yar ka dib markii ay soo degtay, waxaana albaabka su’aalo ku weydiinayay booliska oo joogay albaabka ka hor inta aan loo oggolaan in ay baxaan. 

Qoraallada twitter-ka ee xafiiska sheriff-ka kama aysan hadlin jagada shaqaalaha, laakiin waxay yiraahdeen “Akhlaaqda shaqaalaheenna waa inay noqotaa mid la socota qiyamkeena iyo siyaasadeena inagoo ilaaninayna badbaadada, u adeegiga, iyo kalsoonida shacabka.”

Afhayeen u hadlay Minneapolis-St. Paul Airport ayaa soo saaray qoraal email ah oo lagu xusay in dhalintaan aan la xidhin oo ay  bixi karaan  wakhti kasta. Ka dib markii uu la hadlay rakaabkii iyo dadkii cabashada sameeyay, booliisku waxay go’aamiyeen in aan tallaabo sharci ah loo baahnayn in la qaado.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts