JusticeFeaturedLatestNews

Cabdiraxmaan Daahir oo ka tirsan booliiska St. Paul, wax dacwad ah looma haysto kadib markii uu nin toogtay sanadkii hore.

Xafiiska xeer ilaalinta Degmada Ramsey county iyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud Keith Elleson ayaa war-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegay in aan wax dacwad ah lagu soo oogi doonin Cabdirahman Dahir. Cabdiraxman waa askari ka tirsan nabadsugida St. Paul oo toogasho ku dilay Yia Xiong 2023. Go’aankan ayaa la gaaray ka dib baaritaan qaatay 10 bilood oo ay qayb ka ahaayeen khubaro ku takhasusay isticmaalka awooda ee booliiska. 

 Xeer Ilaaliyaha Degmada Ramsey John Choi iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Gobolka Minnesota Keith Ellison ayaa si wada jir ah u soo saaray bayaan arbacadii waxayna ku sheegen in isticmaalka awooda dilka keentay ee uu adeegsaday sarkaalka lagu magacaabo Cabdirahmin Dahir ay tahay mid “gar ah” marka loo eego sharciga Minnesota.  

Xarunta danbi baarista ee Bearou of Criminal Apprehension ayaa natiijada baaritaanka u soo bandhigaty xafiiska Chi Maayo, 16, 2023. Choi ayaa ka codsadsay  Ellison inuu ku soo biiro dib u eegista.  

“Mar kasta oo ay dawladdu isticmaasho xoog dhimasho sababa, waa masiibo soo wajahda dhammaan kuwa ku lugta leh, waxayna u baahan tahay xeer-ilaaliyeyaashu in ay runta raadiyaan iyaga oo aan eex, baqdin, ama  ixsaan aan u samayn qofna, runtana ay ka sheegaan,”  Choi ayaa ku  yidhi qoraal uu soo saaray.  Baaritaanka iyo talada khabiirka waxaan ku gabagabaynay kiiskaan in awooda dilka sababaty ee uu isticmaalay  sarkaal Cabdiraxamiin Daahir  ay tahay mid sharciga waafaqsan oo aan wax dambi ah lagu soo oogin. Waxaan aad uga xumahay in go’aankan sharci uu sii kordhin karo xanuunka qoyska Mr. Yia Xiong iyo xubnaha bulshada ee doonayay wax ka duwan. Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Xeer Ilaaliyaha Guud Keith Ellison iyo shaqaalihiisa sida ay ugu soo biireen xafiiskayga dib u eegista kiiskan naxdinta leh.”

Cabraxmaan Daahir iyo Noushue Cha  ayaa ka jawabayay wicitaan dadwayne kuwaas oo ka cabanayay nin wata baangad in uu naftooda halis ku yahay. Kadib markii ay yimaadeen goobta, Xiong oo watay baangada ayay ku amreen in uu dhigo haseyeeshee wuxuu ku cararay guriga. Labada sarkaal mid ka mid ah ayaa albaabka ku qaraacay si uu u furo isuna dhiibo. Haseyeeshee, Xiong ayaa albaabka ka soo baxay isaga oo baangata wata doonayana in uu dagaalamo. Cabdiraxmaan ayaa xabada ku furay, halka askarigii kale uu ku furay suuxisada ama tasor ka. 

Kaameerada jirka ee ay watay labada sarkaal ayaa la sii daayay duubitaankii ay sameeyeen. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts