JusticeFeaturedLatestNews

Ninkii laayay booliiska Burnsville oo magaciisa la shaaciyay

Ninkii toogtay kadibna dilay labo booliis ah iyo sarkaal ka tirsan gurmadka dab-damiska ee magaalada Burnsville (Minnesota)  ayaa la aqoonsaday. Baaraha caafimaadka ee degmada Hennepin ayaa sheegay in ninkaasi lagu magacaabo   Shannon Cortez Gooden. 

Gooden, oo 38 jir ah, ayaa naftiisa dilay, sida uu sheegay xafiiska baaraha caafimaadka Talaadadii.

Diiwaanada maxkamada ayaa muujinaya in Gooden lagu helay danbiyo xili hore oo ay kla mid taha  xukun gacan ka hadal ah iyo laba amar-ilaalin  oo ay ka soo gudbiyeen haween ku eedeeyay inuu xadgudub u geystay.

Shannon Gooden mugshot following 2005 arrest Credit Kare 11
Shannon Gooden mugshot following 2005 arrest Credit Kare 11<br>

Saraakiisha Paul Elmstrand iyo Matthew Ruge iyo dab damiye ahna  kalkaaliye caafimaad Adam Finseth ayaa toogasho lagu dilay subaxnimadii Axadda ka dib markii la soo wacay.  Elmstrand iyo Ruge labaduba waxay ahaayeen 27, Finsethna wuxuu ahaa 40 jir. Bilayska Sgt. Adam Medlicott, 38, ayaa la toogtay oo dhaawacmay; Isniintii ayaa laga soo saaray isbitaalka.

Xafiiska dambi-baarista ee Minnesota ayaa baaraya dhacdada.

Kormeeraha guud ee  Xafiiska Danbi Baarista Minnesota (BCA) Drew Evans ayaa shir jaraa’id ku sheegay Axadii in booliiska looga yeeray 12600 block ee 33rd Avenue South ee Burnsville abbaaraha 1:50 subaxnimo.  Waxaa ay ka jawaabayeen ka dib markii uu qof waydiistay caawimaad xadgudub qoys awgeed.  

Saraakiishu ayaa isku dayay in ay qanciyaan Gooden, gurmadna waa ay dalbadeen. Gooden ayaa rasaas huwiyay saraakiisha. 

Toddoba carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 2 ilaa 15 jir ayuu ku haystay guriga dhexdiisa. Gooden ayaa la sheegay inuu dhintay 8-dii subaxnimo, dhammaan  dadkii uu haystay ayaa si bad-qab ah looga soo saaray guriga. 

Evans ayaa sheegay in ugu yaraan mid ka mid ah ragga la dilay uu ku sugnaa gudaha guriga markii la toogtay. Baarayaasha ayaa weli baaraya halka ay ku sugnaayeen ragga kale markii la toogtay. 

Elmstrand waxaa lagu dhuftay dhowr xabadood, Ruge ayaa laga toogtay xabadka, Finsethna waxaa laga toogtay gacanta iyo dhexda, sida uu sheegay xafiiska baaraha caafimaadka.

Askartii la dilay

Sida laga soo xigtay dukumentiyada maxkamada, Gooden ayaa qirtay dambi ah in uu isticmaalay hub halis ah 2007kii, sidaa darteed waxaa uu lumiyay quxuuqdiisa lahaanshaha qoriga.  Sannadkii 2020-kii, waxa uu ka codsaday maxkamadda in uu xaq u leeyahay in uu lahaado qori xuquuqdiisana dib loogu soo celiyo.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada Dakota ayaa ka soo horjeestay codsiga Gooden, isaga oo sabab oga dhigay in ay jiraan labo codsi oo badbaadin nafeed ah.  

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts