NewsFeaturedJusticeLatest

Labo Boolis iyo qof ka mid ah shaqaalaha dabdamiska oo la dilay

Laba askari oo ka tirsan booliiska Burnsville iyo mid ka mid ah shaqaalaha waaxda dab-damiska ayaa la toogtay subaxnimadii hore ee Axadda saacado ismari waa ah kadib. Toogashada ayaa dhacday kadib markii loogu yeeray tacadi qoys, halkaas oo nin hubaysan uu isku soo xidhay guri uu kula jiray haweeney iyo toddobo carruur ah. Ninka hubnatsan ayaa toogtay sadexda sarkaal kadibna nafiisa dilay.  

Dhibaatada ayaa waxay ka dhacdy 12600 block ee 33rd Avenue S. wax yar ka hor 2 subaxnimo halkaas oo booiisku yimaaden iskuna dayeen in ay xiriir la sameeyaan dadka gidaha ku jiray.  Dhowr saacadood ka dib ayaa rasaas lagu soo riday, waxaana ku dhintay saddex sarkaal iyo mid kamid ah shaqaalaha dab-damiska oo caawinayay qof dhaawac ah.  

Dadka dhintay ayaa kala ah Paul Elmstrand iyo Matthew Ruge, oo labaduba 27 jir ah, iyo dab-demiye/caafimaad, Adam Finseth, oo 40 jir.

 Sgt. Adam Medlicott ayaa cusbitaalka la dhigay isagoo qaba dhaawacyo rasaas ah balse waxaa la filayaa inuu badbaado, sida lagu sheegay war kasoo baxay Burnsville.

Xafiiska dambi baarista ee Minnesota (BCA) ayaa xaqiijiyay in ninka hubeysan uu ku dhintay goobta. Ilo-wareedyo dhanka sharciga ah ayaa sheegay inuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas uu is-dilay.

Gaari booliis ah ayaa xiray waddo ku taal Burnsville ka dib markii laba askari oo bilayska magaalada ah iyo mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka lagu toogtay halkaas Axaddii

 Sida ku cad codadkakii la duubay xiliga codsiga gurmadka, ismari-waaga qaatay saddexda saacadoo ayaa bilaabmay 1:50 subaxnimo kadib markii booliiska loo soo wacay  xadgudub qoys oo ka dhacay guri ku yaal xaafad u dhow Terrace Oaks East Park ee koonfur-bari Burnsville. Rasaas ayaa dhacdayqiyaastii  5:30 subaxnimo.

“Waan qalbi jabnay. Bulshadayada sharci fulinta qalbi jab ayay ku tahay. Waxaan aad uga xunnahay khasaarihii naxdinta lahaa ee soo gaaray,” ayuu yidhi Brian Peters, oo ah agaasimaha fulinta ee Ururka Booliska iyo Saraakiisha Nabadda ee Minnesota. 

“Geesiyadani waxay ka tageen kuwa ay jecel yihiin iyo bulsho waligood xasuusan doonta geesinimadooda iyo u heellanaanta ay ku ilaalinayaan ammaanka reer Minnesota.”

Elmstrand ayaa booliiska ka tirsanaa  mudo shan sano ah isagoo ka shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay tababarka. 

Ruge waxa uu ciidanka ku biiray Abriil 2020 waxa uuna xubin ka ahaa kooxda wada xaajoodka xasaradda. Finseth wuxuu ka id ahaa ahaa dab-demiska Burnsville iyo kalkaaliye caafimaad ilaa Febraayo 2019.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts